Qashin dib u habeyn (Recycling)

Si aad u gasho qaybo kale oo halkaan ku lifaaqan riix bogan.

Waa maxay qashin dib u habayn?

Qashin dib u habayn waa nadaam u badala alaab la isticmaalay mid wax soo saar cusub leh Tusaale ahaan, in warqadan loo badalo nal hooskiisa iyo qalab sawir lagu dahaaro.

Haddii aad ka qaybqaadato qashin dib u habayn waxaad ka qaybqaadatay dhimista dhibaatada lagu hayo khayraadka dabiiciga ah sida dhirta iyo saliida.

|Kor ku noqo

Maxay muhiim u tahay qashin dib u hagaajin

Sanadkan dadka degan Haringey waxay isticmaaleen 98,000 oo ah qashin kasoo baxa guryo dad degan yihiin. Maadaama aan iibsano alaabo badan oo baakado ku jira iyo kuwo la iska tuuro dhibaatadu waa sii kordhi doontaa. Qashin hadda kasoo baxa guryaha Haringey ee dadku iska soo tuuraan waa la xabaalaa ama waa la gubaa. Labadan nadaam saamayn xun ayey ku yaalanayaan deegaanka aan ku nool nahay.

Sida qashin dib looga sameeyo degmada Haringey

Si gacan la idinkaga siiyo dib u habayn qashinka guryaha ka yimaada, maamulka Haringey waxuu bixiyaa tiro noocyo adeegyo kala duwan:

Qashin ka aruurin gurigiina

Haringey Council ayaa 80,000 qof oo degan Haringey siiyey haamo qashin dib u habayn loo adeegsado. Tani waxay idinka caawin doontaa dib u habayn qashin guryihiina kasoo baxa. Si aad u ogaato marka qashinka gurigiina laga qaadaayo isticmaal qaybta la dhaho ‘Related Link’ ee ku yaala dhinaca midig ee boggan.

Haddii aad degan tahay guryo isdulsaaran (block of flats) waa laga yaabaa inaan la idiin siin sanduukh cagaaran laakiin waad samayn kartaan qashin dib u habayn. Haringey Council waxuu keenayaa haamo qashin dib u habayn loogu sameeyo si loogu shubo qashin gurigiina kasoo baxa.

|Kor ku noqo

Meelo qashin lagu sifeeyo

Kuwani meelo dib u habayn loogu sameeyo alaabo qashin sida galaas, warqad iyo qasacyo. Waxaad ka heli kartaa meesha baabuurta la dhigto suuqyada waaweyn ee laga adeegto (supermarket car park), meelo ka mid ah housing estates, iyo jidadka ku yaala degmada. Si aad u ogaato meelaha ay yaalaan haama qashin dib u habayn lagu sameeyo isticmaal qaybta la dhaho ‘Related Link’ ee ku yaala dhinaca bidix ee boggan.

Xarun Qashin dib u kala habayn (Reuse and Recycling Centre)

Dib u isticmaalis iyo Xarun Qashin dib u kala habayn (Reuse and Recycling Centre) ayaa degmada  Haringey leedahay halkaasoo aad keeni kartaan alaabo qashin ah oo aydaan u baahnayn. Waxaa sidoo kale alaabtan ku jira alaabo guri oo aad iska nacdaan kuwaasoo aan dib u habayn lagu samayn karin. Si aad u ogaato meelaha ay yaalaan haama qashin dib u habayn lagu sameeyo iyo nooca alaab la aqbali karo isticmaal qaybta la dhaho ‘Related Link’ ee ku yaala dhinaca bidix ee boggan.

|Kor ku noqo

Qashin wax ku kobcin

Si aad u ogaato meelaha Haringey ku yaala ee laga helo qashin dib u bacrin isticmaal qaybta la dhaho ‘Related Link’ ee ku yaala dhinaca bidix ee boggan.

|Kor ku noqo

Waa maxay qashin dib u habayn iyo u warshadeyn

Hadda waxaa suuragal noqotay in maalin kasta alaabo badan oo qashin ayaa dib u warshadeyn loogu samayn karo, isla markaasna si dadka loogu fududeeyo qashin dib u farsamayn waxaa la hagaajiyey adeegyada xaafadda ee hawshan qaabilsan.

Alaabta qashin ka timaada oo Haringey laga aruuriyo waxaa ku jira: galaas, joornaalo, qoraalo email aan la rabin oo la isu soo diray, wargeysyo, qasacyo, aluminium foil, dhar iyo kabo dad iska tuureen. Sidoo kale waxaan aruurinaa qashin cagaar ah oo beer guri laga soo jaray, qashin cunto ka yimid, dhalooyin balaastik ah iyo alwaax iyo alaabo farabadan oo ay iska tuuraan dad guryo ku jira.

Maamulka Haringey waxuu sidoo kale dib u sifayn ku sameeyaa noocyo alaabo kala duwan sida alaabo koronto ku shaqaysa, batariyo baabuur, saliid baabuur laga shubay, alwaax aan wax kale lagu darin, telefoono gacan iyo khadadka ka dhammaaday mashiinka wax lagu daabaco (printer).  Alaabtan waxaad keeni kartaan mid ka mid ah xarumaha Haringey ku yaala ee la dhaho ‘Re-use and Recycling centre’.

|Kor ku noqo

Barnaamijyo kale oo qashin dib u hayn ah oo ku yaala Haringey

Barnaamijyada ReStore Community Projects

Kownsalku waxuu iskaashi wada shaqayn la sameeyaa barnaamijka la dhaho ReStore Community Projects, taasoo ah haya’ad iskaa wax u qabso ah oo ku taala Tottenham Hale.

ReStore ayaa idinka qaadi doonta alaabo guri iyo alaabo jikooyin oo la iska tuuray sida mashiino cunto lagu karsado iyo qaboojiyaal iwm.

Marka ay alaabta dib u habayn ku sameeyaan waxay u gudbiyaan dad waqti dhow hoy la’aan ahaa ama dad kale oo alaabadan u baahan. Dhammaan wixii alaabo midab cadaan ah waa la tijaabiyaa waxaana la bixiyaa balanqaaad ah in la isticmaali karo. Dadka xarumaha shay kasta oo alaab ah ka qaata waxaa laga qaadaa xoogaa lacag ah taasoo lagu kabo qarashkii ku baxay hagaajin shay kasta.

Wixii faahfaahin kala soo xiriira:

Location: Unit 18 Ashley Road, London, N17 9LJ

Tel: 020 8493 0900
Fax: 020 8493 0109
Email: info@restorecommunityprojects.org

Web: www.restorecommunityprojects.org (Use the link under 'Useful External Links' below)

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka qashin dib u sifaynta Haringey

Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijka qashin dib u sifaynta Haringey fadlan kala soo xiriir Haringey Accord telefoon 020 8885 7700 ama usoo dir email: callcentre@haringeyaccord.com

|Kor ku noqo

Ku xiriirsaneyaasha soo socda ma aha qayb ka mid ah bogga internet-ka Haringey Council web site.

Ka hor intaadan isticmaalin, fadlan akhri ogeysiiskeena sharciga ah ee arintaan khuseeya.

|
 

Page Last Updated: 1 December 2008

This page belongs to the following categories :
- Environment > Rubbish, waste and recycling

 
|
Better Haringey Green Recycling Bin

Did you know?

Over 50,000 bulbs are planted each autumn ready to bloom in spring