Tikidho ganaax baabuur meel ku dhigasho (Parking tickets)
Tikidhada ganaax baabuur meel lagu dhigto oo uu bixiyo Kownsalku waxaa la dhahaa 'Penalty Charge Notices' (PCNs). Waxaa tikidhan ganaax ahaan loo siiyaa darawalo meel khalad baabuur dhigtay oo ku xadgudbay nadaamka baabuur meel dhigasho ama darawalo baabuur ku wada layn bas loo calaamadiyey iyadoo lagu jiro waqti loo cayimay in bas kaliya geli karo.
Kownsalka ayaa tikidhada ku bixiya PCN iyadoo la raacaayo xeerarka ay dajisay xafiiska Association of London Government. Waxaa xeerarkani si khaas ah uga hadlayaan qaababka ay tahay in la raaco si aan u helno lacagtii ganaaxa tikidh baabuur la saaray. Waxaa sidoo kale nadaamku darawalada siinayaa nadaam ay rafcaan uga qaadan karaan tikidh ganaax baabuur la saaray ee la dhaho PCN.
Useful External Links
Ku xiriirsaneyaasha soo socda ma aha qayb ka mid ah bogga internet-ka Haringey Council web site.
Ka hor intaadan isticmaalin, fadlan akhri ogeysiiskeena sharciga ah ee arintaan khuseeya.
|Page Last Updated: 14 October 2008
This page belongs to the following categories :
- Transport and streets > Motor vehicles, roads and parking > Parking




