Baabuur meel dhigasho dad naafo ah (Disabled Parking)

Blue Badge holder parking bay signQof kasta oo haysta kaarka naafada la dhaho ‘Blue Badge’ waxay dalban karaan meel baabuur dhigasho dad haysta kaar naafo baluug ah. Kownsalka ayaa ka fakeri doona codsiga kaar baabuur meel ku dhigasho la soo dalbaday.

Waxaa jira labo barnaamij oo kala gedisan oo dad dalban karaan:

  • meel ku taal isbitaal, rug caafimaad, xarun dhaqtar, farsami ama dhismo dawladeed oo loo calaamadiyey in gaari dhigtaan dad naafo ah kuwaasoo haysta kaarka naafada ee Baluuga ah (Blue Badge) (Disabled parking bay)

AMA

  • meel si khaas ah loogu calaamadiyey goob baabuur la dhigto oo ku ag taala guriga uu degan yahay qofka naafada ah waxaana loo calaamadiyey inuu isticmaali karo kaliya qofka naafada ah kaasoo haysta lambar khaas ah oo loogu talogalay qofkaas. (Dedicated disabled parking bay)

Mid kasta oo ka mid ah labada arimood ee kor ku qoran, goobta baabuur dhigasho loo calaamadiyey waxaa laga samayn doonaa meesha dhismaha ugu dhow ee suuragal ah laakiin waa in la tixgeliyaa arimaha soo socda:

  • socoshada baabuur
  • ay adeegsadaan dadka ku jira dhismaayasha ku dhow qofka naafada
  • ah goob baabuur dhigasho loo calaamadinaayo iyo helitaan jid laga galo lagana baxo goobta baabuur naafo loo calaamadinaayo
  • nabadgelyo jid

Dalbasho Kaar Naafo Baluug (Disabled Parking Bay)

Qof kasta oo haysta Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge) waxuu awoodi karaa inuu baabuur dhigto meelo loo calaamadiyey ama loogu talogalay dad naafo ah inay baabuur dhigtaan. Haddii aad tahay qof haysta Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge), si aad u hesho boos baabuur dhigto qof naafo ah (kaliya qof haysta Kaarka Naafada Baluuga ah) waa in codsi la sameeyaa kaasoo ogolaanshaha bixinta kaarku ku xiran yahay in la buuxiyo sharuudo u yaala bixinta Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge).

Si aad u hesho boos dad naafo ah baabuur dhigtaan waa inaad marka hore haysataa Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge), iyo:

  • Inaad si cad oo daacad ah u muujisaa inaad u baahan tahay booska aad u codsatay inaad baabuur dhigato maadaama aad naafo tahay;
  • Inaadan haysan meel kale oo kuu dhow ama kuu gaar ah oo aad baabuur dhigato;
|kor ku noqo

Dalbasho meel qof ahaan loo sameeyey in naafo baabuur dhigato

Meel loo calaamadiyey in qof naafo ah baabuur dhigato kaasoo loo calaamadiyey kaliya qof haysta Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge). Si qof u helo meel si gaar ah qof naafo ah loogu calaamadiyey waa in qofka naafada ahi buuxiyaa sharuudo lagu helo boos naafo baabuur dhigato iyo inuu haysto Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge).

Si aad u hesho boos loo calaamadiyey inuu baabuur dhigto qof naafo ah, waa inaad haysataa Kaarka Naafada Baluuga ah (Blue Badge), iyo:

  • inaad qaadato qaybta sare ee gunno nololeed naafada la siiyo (disability living allowance);
  • aad adigu baabuur leedahay ama aad sheegto qof baabuur kuu wada oo guriga kula degan;
  • isla markaasna aadan haysan meel kuu gaar ah oo aad baabuur dhigato;
  • waa inaad keentaa nuqul sawir ah oo ah laysankaaga iyo dukumintiga lahaanshaha baabuurka kuwaasoo muujinaaya magaca iyo ciwaankaaga (ayna muujinayaan inaad tahay qof xaafadda degan).

Haddii aadan qaadan gunno naafo sabab hawlgab aad noqotay awgeed, heerka socodkaaga waa inuu qiimayn ku sameeyaa aqoonyahan jir daaweyn ‘occupational therapist’ kaasoo u shaqeeya Haringey Council.

|kor ku noqo

Foom codsi iyo qoraalo arintan kaabaaya waxaa laga heli karaa faylalka hoos ku qoran. Macluumaad arintan khuseeya waxaa sidoo kale lagu soo lifaaqaa foomamka kaarka lagu dalbado.

Haringey Council waxuu si wayn ugu dadaali doonaa inuu sida ugu dhaqso badan u fuliyo bixinta kaararka lasoo dalbado. Hase yeeshee, go’aaminta iyo samaynta boosas baabuur la dhigto, diyaarinta iyo soo saarista qoraalka Awaamiirta Agaasimida Jidadka (Traffic Management Orders) waxaa ku jira in dadwaynaha xaafadda iyo haya’adaha dawlada wadatashi lagala sameeyo.

Ugu yaraan muddo 3 bilood ah ayey qaadan kartaa bixinta kaar la soo codsaday.

|kor ku noqo

Nala soo xiriirid

Haddii aad wax su’aalo ah qabto, fadlan nagala soo xiriir:

Tel 020 8489 1335.

|
 

Page Last Updated: 28 October 2008

This page belongs to the following categories :
- Transport and streets > Motor vehicles, roads and parking > Parking

 
|
three children smiling

Did you know?

We have planted over 500 new trees in the past eighteen months