Xakamayn baabuur meel dhigasho (CPZs)

Maxaan Haringey laaga baahan yahay in la sameeyo xakamayn meelo baabuur dhigasho (Controlled Parking Zones in Haringey)?

Haringey waa degmo dhibaato wayn kasoo gaarto qiiqa iyo wasaxda baabuur ka timaada, dhibaato caafimaad darro aad u wayn ayaa ka haysta gaadiid farabadan oo isticmaala ama dhexmara jidadka degmadan. Hadaba iyadoo laga qaybqaadanaayo fulinta istiraatijiyad gaadiid xakamayn laga fulinaayo guud ahaan magaalada London, Haringey waxaa ka go’an inuu yareeyo baabuur ku isticmaalista degmadan, taasoo lagu dhimaayo suunta ka timaada qiiqa baabuur, shilalka, iyo daahitaanka basaska ka shaqeeya Haringey.

Sanadkii 1994 ayaa markii ugu horaysay Haringey laga hirgaliyey Xakamaynta baabuur meel dhigasho ee la dhaho ‘Controlled Parking Zones (CPZ) taasoo ujeedadu ahayn dhimista gaadiidka meel kasta la iska dhigto iyo horumarin isticmaalista gaadiidka dadwaynaha halkii qof walba baabuur asagu leeyahay isticmaali lahaa.

Go’aanka ku saabsan samaynta xakamayn meelo baabuur la dhigto waxaa la qaatay ka dib markii wadatashi lagala yeeshay dadka xaafadda degan iyo ganacsatada kuwaasoo ayagu go’aamiyey nooca jidadka laga hirgalinaayo barnaamijkan iyo saacadaha ay soconayso xakamaynta baabuur meel dhigasho.

|kor ku noqo

Macluumaad ku saabsan barnaamijka xakamayn baabuur meel dhigasho (CPZ)

Macluumaad Guud

Macluumaad guud ee la xiriira sida uu u shaqeeyo barnaamijka CPZs, fadlan eeg ama riix buugyaraha hoos ku lifaaqan. Buugyaraha waxuu ku siin doonaa macluumaadka soo socda:

  • Sidee u shaqaysaa xakamayn baabuur meel dhigasho (CPZ)?
  • Maxay yihiin noocyada meelo baabuur dhigasho (parking bays)?
  • Waa noocee kaarar baabuur meel ku dhigasho aan dalban karo?
  • Dad naafo ah
  • Takhaatiir
  • Adeegyo aad muhiim u ah
  • Shaqo wax dhisid
  • Wax rarid iyo wax dajin
  • Joojin meelo baabuur la dhigto
  • Meelo ku yaala Housing estate
  • Baabuur dhigasho meelo jidad laga galo (driveways)
  • Marxalado gaar ah
|kor ku noqo

Dadka xaafada degan, ganacsatada iyo soo booqdeyaal baabuurka waxay dhigan karaan meelo loo calaamadiyey iyagoo si cad muraayada baabuurka ugu muujinaaya kaarka u fasaxaaya inay baabuur dhigan karaan amase nooca kaarka la dhaho visitor voucher. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo dalbado noocyo kala duwan oo ah kaarar baabuur meel ku dhigasho ka eeg bogga baabuur meel dhigasho. (Parking permits page)

Darawalada raba inay waqti yar meel baabuur dhigtaan, waxay tikidh waqti kooban ah ka iibsan karaan mashiinka jidka ku rakiban waana inay tikidhka murayaada baabuurka ku dhex dhajiyaan.

Penalty charge notices (PCNs) Baabuur meel la dhigay oo aysan ka muuqan in lagu riday tikidh la iibsaday ama kaar ama voucher u fasaxay inay dhigtaan saacadaha uu shaqaynaayo saacado xakamayn baabuur meel dhigasho waxaa la saaraa ganaax baabuur meel dhigasho la dhaho (PCNs).

|kor ku noqo

Meelo uu ku yaalo Haringeys CPZ

Haringey Council waxuu maamulaa 9aad qaybood oo ah CPZ ah.

Controlled Parking Zone sign plate    End of Controlled Parking Zone sign plate

Calaamado gaar ah oo jidad lagu dhejiyey (oo la mid ah labada sawir ee kor ku yaala) waxay muujinayaan markaad gelayso ama ka baxayso meelaha la xakameeyo baabuur dhigasho ee la dhaho CPZ. Calaamdaha meelaha ku dhigan (sheegayaa waqtiyo xadidan) waxay sidoo kale kuu sheegayaan waqtiyo sax ah oo la xadiday baabuur meel dhigasho. Jidadka ku yaala meelaha la dhaho CPZ waxaa sida badan lagu miijiyaa hal layn oo jaale ah. Calaamadaha cad cad waxay muujinayaan inaad dhexdooda baabuur dhigan karto. Baabuur ma dhigan kartid meel ay ku qoran tahay hal calaamad oo jaale ah.

Macluumaad dheeraad oo ku saabsan meelaha baabuur la dhigan karo iyo waqtiyada ay socoto xakamayn baabuur meel dhigasho ee qayabaha la dhaho CPZ, fadlan riix mid ka mid ah qaybaha halkan ku lifaaqan.

|kor ku noqo

|
Your feedback on this webpage

Was this information useful?



If you want to give comments on the service itself please visit our Contact page.


 

Page Last Updated: 16 November 2009

This page belongs to the following categories :
- Transport and streets > Motor vehicles, roads and parking

 
|
three children smiling

Did you know?

Walter Tull was the first black player for Tottenham and the first black army officer commissioned in this country

 

Do It Online