Translation and Interpreting Services

Haringey Council waxuu rumaysan yahay in dhammaan bulshada xaafadda degan ay xaq u leedahay inay si siman u helaan adeegyada iyo macluumaadka Kownsalku bixiyo.

Sababtan awgeed waxaan bixinaa adeeg af celin iyo qoraalo turjumid iyo adeegyo hadal isgaarsiin hadey u baahan yihiin:

  • dad aan af Ingiriisi ku hadlin
  • dad indho la’aan ah ama si fiican wax u arkin
  • dad dhego la’aan ah ama aan si fiican wax u maqlin.

Waxaan bixinaa adeegyada soo socda:

  • af celin/turjumid, ay ku jirto ku hadlid hadal dhegoole
  • Qoraal luuqad turjumid
  • Qoraalo ku qoran Braille, far waaweyn iyo kuwo cajalad ku duuban.

Adeegyada aan bixino waa kuwo aqoonyahanimo ah, qarsoodi iyo talingalinaaya baahida qof ahaaneed. Turjumaanadeena khibrada badan waxay ka kala yimaadeen qowmiyadaha kala duwan ee xaafadda degan.

Sidee af celiye u heli karaa?

Haddii aad booqatid xafiis Kownsal ama aad la kulmaysid Sarkaal Kownsalka ka socda, waxaad dalban kartaa af celiya kuu turjuma. Waxaan diyaarin doonaa af celiye ku caawiya, iyadoo qof ahaan kugu imaan doono ama telefoon lagula xiriirin karo. Haddii markaas aan af celiye la heli karin, waxaan diyaarin doonaa inuu kuu yimaado maalin kale. Khasab kuguma ah inaad lacag ku bixiso adeegga qof kuu turjumay.

Sidee u dalban karaa qoraal la turjumay?

Sarkaalka Kownsalka ku qaabilay waxaad waydiisan kartaa inuu kuu diyaariyo turjumid warqado ama wixii qoraalo Kownsalka ka yimaada. Wax qarash ah arintan kaaga baxayso.

Sidee u dalban karaa macluumaad ku qoran nooca la dhaho Braille, far waaweyn ama cajalad la dhagaysto?

Sarkaalka Kownsalka ku qaabilay waxaad waydiisan kartaa in uu kuu diyaariyo wixii warqado ama qoraalo Kownsalka ka yimaada lagugu qor hab nooca la dhaho Braille, far waaweyn ama cajalad la dhagaysto. Wax qarash ah arintan kaaga baxayso.

|
 

Page Last Updated: 12 June 2008

This page belongs to the following categories :
- Community and living > Interpreters' services

 
|
three children smiling

Did you know?

Famous Crouch End residents have included Simon Pegg who filmed his cult classic film Shaun of the Dead in the area, and David Tennant, the current Dr Who