Bulsho iyo meelo lagu nasto/kifaaxo
Haringey waxay caan ku tahay isla markaasna hodan ku tahay waxyaalo badan oo dadku ku kifaaxo ama waqtigooda ku qaataan sida xarumo lagu dabaasho, jir jimicsi lagu sameeyo, maktabado, beero lagu nasto iyo meelo kale oo lagu nasto. events recreation
Qaybtan waxaa ku qoran macluumaad dadka xaafadda laga siinaayo waxyaalaha iyo barnaamijyada xaafadda ka jira, sida faahfaahin ku saabsan barnaamijyo wax looga qabanaayo kobcinta dhaqaalaha degmada, iyo yareynta denbiyada degmada ka dhaca. Waxaad sidoo kale halkaan ka akhrisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan barnaamijyo iskaashi iyo hawl wada fulin ay Haringey la leedahay haya’ado kale taasoo loogu talogalay in la balaariyo tayada adeegyada Kownsalku siiyo bulshada degmada ku dhaqan.
Tusaale ahaan waxyaalaha kale ee aad qaybtan ka heli karto waxaa ku jira:
- Helitaanka meesha ay ku yaalo maktabada xaafadaada
- Helitaan sida loo diiwaangashado dhalasho ama dhimasho
- Akhrisato sida maamulka wax uga qabto arimo anshax xumo bulsho
- Hesho meel ay taalo meel lagu nasto ama xarun lagu dabaasho
- Akhrisato macluumaad ku saabsan barnaamijyada Haringey ee (magaalo dib usoo noolayn) key regeneration programmes
- Hesho macluumaad ku saabsan sida maamulka Haringey gacan u siiyo qaybaha (iskaa wax u qabso) voluntary sector ugu shaqeeya bulshadooda.
Haddii aad qabto wax su’aal ah ama faalo nala soo xiriiro.
|Page Last Updated: 6 August 2008
This page belongs to the following categories :
- Council, government and democracy > Councils > Contacts, consultation & feedback
- Council, government and democracy > Councils




