Caruur iyo Qoysas
Ujeedada qaybta Adeegga Caruurta (Children’s Service) waa in la hagaajiyo fursada nololeed ee dhammaan caruurta iyo dadka dhalinyara ah ee ku nool Haringey. Buugga Diiwaanka adeegyada caruurta waxuu sharaxaad ka bixinayaa dhammaan adeegyada xafiiskani bixiyo marka laga bilaabo taageero la siiyo waalid haysta caruur aan wali iskool bilaabin, dad dhalinyaro ah iyo taageero siin dadka dhalinyarada ah.
Si caruurta iyo dadka dhalinyarada ah loo siiyo tayo sare leh, iyo wax ku barasho baya’ad waxbarasho amaan ah, Haringey Council waxuu iskoolada ka jira degmadan kala shaqeeyaa sidii hawlahan looga gungaari lahaa.
Adeeg Caruur iyo Waxbarasho bilow ah
Ka hor intaysan iskool bilaabin waxaad heli kartaa taageero lagugu siiyo xannaayn caruur iyo waxbarid ka hor iskool bilaabis. Waxaan idinka caawin karnaa
- (Helid ilmo haye) Finding a childminder
- (Doorasho raadasho meel ama xarumo caruur lagu cayaarsiiyo) Choosing a playgroup
- (Taageero ka helid barnaamijyada Sure Start Programmes ee xaafadaada ka jira) Getting help from Sure Start Programmes in your area.
Iskoolada iyo Waxbarashadda
Waxaan haynaa macluumaad farabadan oo aan siino waalidiinta caruur haysta caruur iskool gaartay ama diyaar u ah inay iskool bilaabaan. Waxaan sidoo kale iskoolada ka caawinaa isku xirada iyo wada shaqayntooda iyo in midba kan kale wax ka barto.
Adigoo adeegsanaaya maababka internet-ka aan ku qornay ee dugsiyada hoose iyo kuwo sare waxaad ka heli kartaa magacyada iyo dadka lagala xiriiro iskoolada ku yaalada agagaarka xaafadaada.
Waxaad sidoo kale waxaad:
- (Boos iskool ka dalban kartaa iskool ku yaala Haringey) Apply for a place at a school in Haringey
- (Ogaan kartaa taariikhaha iyo Teeramyada la dhigto dugsiyada Haringey) Find the term dates for schools in Haringey
- (Kombiyuutar kala soo degid ama ka daabicid foomam boos iskool dalbasho) Download or print school application forms.
Waxaad foomam iskool laga helo ku dalban kartaa in lagaa taageero qado iskool, dhar iskool lagu dhigto, lacag lagu raaco gaadiid iskool aada iyo casharo muusik ah.
Waalid noqosho iyo Kaalmo qoys
Waxaan waalidiinta, caruur koriyeyaal iyo caruur ka taageernaa ilmo korinta iyo gacan ka siina wadajirka qoyska. Waxaan bixinaa noocyo adeegyo taageero kala duwan ayna ku jirto Xarumo Waalid ku kulmo (Parents Centres,) xarumo isku xir qoys (Family Link) kuwaasoo waalidka siiya adeeg ka nasin haynta ilmo naafo ah.
- Education welfare service
- Looked after children
- Bullying
Adeegyada Children’s Social Care
Adeegyada Children’s Social Care Services waxuu bixiyaa adeegyo la siiyo waalidiin iyo caruur iyo bixinta adeegyo ilmo badbaadin iyo hagaajinta tayada koritaanka ilmaha.
Adeegyo muhiim ah oo caruur la siiyo waxaa ku jira:
- (Ilmo ka badbaadin dayac iyo faraxumayn) Protecting children from abuse
- (Adeegyo ilmo ku meelayn qoys koriya) Adoption services
- (Adeegyo ilmo korin) Fostering services
Adeegyo Dhalinyaro iyo adeeg Talobixin dhalinyaro la siiyo
Qaybaha ay ku qoran yihiin adeegyada iyo talo siinta aan siino dad dhalinyaro waxay sharaxaad ka bixinaayaan adeegyo la siiyo dad dhalinyarada ah waxaana ku jirta barnaamijyo iyo mashaariic kala gedisan, kala talin horumarinta mustaqbalkooda iyo shaqo helida dadka dhalinyarada ah ee ayagu dad xannaaneeya.
- Volunteer vacancies
- Staying healthy
- Ferry Lane sports development
Useful External Links
Ku xiriirsaneyaasha soo socda ma aha qayb ka mid ah bogga internet-ka Haringey Council web site.
Ka hor intaadan isticmaalin, fadlan akhri ogeysiiskeena sharciga ah ee arintaan khuseeya.
|Page Last Updated: 18 November 2008
This page belongs to the following categories :
- Council, government and democracy > Councils > Contacts, consultation & feedback
- Council, government and democracy > Councils




