Ganacsi
Haringey waxay hoy u tahay in ka badan 8,000 ganacsiyo kala duwan waxaanay leedahay xidhiidhka gaadiidka oo aad u fiican – waa meel aad u fiican oo laga ganacsado.
Dammaanad qaadka Haringey iyo dibusoo noolaynta joogtada ah ee kawnsalku ka hayo degmada ayaa ganacsiyada u oggolaanaya inay noqdaan si fiican u tartami kara, oo dhiirri geliya maalgelinta oo sameeya shaqooyin cusub iyo fursado dhaqaale oo ay helaan dadka deegaanku.
Qaybtayada gacansigu waxay bixisaa macluumaad ku saabsan qayb kasta oo ganacsiga ah:
Talo iyo taageero – dhammaan arrimaha talo iyo taageero la xidhiidha ganacsiga marka laga bilaabo bilawga ganacsiga, qorshaynteeda iyo maalgelinta.
Sharciyada liisan bixinta – mas’uuliyadda qaanuuniga ah ee kuu saran ganacsi ahaan iyo macluumaadka qashinka ganacsiga, shuruudaha qorshaynta, iyo caafimaadka iyo ammaanka.
Dhismayaasha ganacsiga – waxay ku siinayaan liiska dhismayaasha ganacsiga ee bannaan.
Inaad kawnsalka wax ka iibiso – waxay kuu sharxaysaa sida ay sharikaddaadu adeegyo u siin karto, oo ay ganacsi ula samayn karto kawnsalka.
Dibu soo noolaynta dhaqaalaha – waxay kuu sharxaysaa sida barnaamijka dubsoo noolayntu uu u taageero ganacsiyada degmada, oo ay ku jiraan juhdiga badhtamaha magaalada iyo hagaajinta Tottenham Hale.
Filim samaynta Haringey – dhammaan waxaad u baahantahay haddii aad rabto inaad filim ka qaaddo qayb degmada ka mida ah.
Abaalmarinta ganacsiga – qayb wayn oo ka mida sannadka ganacsiga ee Haringey. Akhri kuwii ku guulaystay sannadkii la soo dhaafay iyo sidii cid loogu magacaabo abaalmarinta soo socota.
Cashuurta ganacsiga – waxay kuu oggolaataa inaad xisaabtaada eegto oo aad biilasha ku bixiso kombuyuutarka, iyo macluumaad ku saabsan sida wax looga dhimo cashuurta ganacsiyada yaryar.
Xidhiidhada – waxa ku sajilan lambarrada telefoonka ah ee tooska ah iyo cinwaannada email ee dhammaan qaybaha ka jawaabi kara wardoonka la xidhiidha ganacsiyada.
|Page Last Updated: 22 September 2008
This page belongs to the following categories :
- Business




