Cashuurta degmada (Council Tax)
Kawnsalku wuxuu bishii March diray faatuuradihii cashuurta degmada.
Eeg cashuurta degmada ee kawnsalka Haringey Baaxadda iyo qiimaha (Bands and Charges)
Su’aalaha soo socda iyo jawaabaha waxa loogu talagalay in la isku dayo ina laga jawaabo su’aalaha soo noqnoqda ee khibrad ahaan lagu ogaaday inay dadka adeegyadayada isticmaalaa had iyo jeer iswaydiiyaan marka ay helaan fatuuradaha cashuurta degmada.
- Maxay cashuurta degmaga Haringey qaali u tahay?
- Maxay faatuuraddayda cashuurta degmadu u korodhay?
- Waa maxay adeegyada ay bixiyaan Greater London Authority?
- Cashuurtayda degmada qadar intee le’eg ayaa lagu bixiyaa adeegyada ay bixiso degmada Haringey intee ayaana lagu la siiyaa Greater London Authority?
- Adeegyada Haringey intee in le’eg ayay dabooshaa cashuurta degmadu?
- Waxyaabahee kale ayay ka koobanyihiin ‘adeegyada kale’ ee ku taxaan jadwalka dhaqaale ee ku yaal bogga 5aad ee buugyaraha?
- Adeegyada kale waxay miisaaniyadda kaga beeganyihiin 8.6%. Maxaa qaybahaas mid walba gaarkeeda loogu muujin waayay?
- Maxaa kharashka Alexandra Palace loogu muujin waayay buugyaraha?
- Waa intee guud ahaan daynta lagu leeyahay Alexandra Palace sidee ayaase loo bixinayaa?
Maxay cashuurta degmaga Haringey qaali u tahay?
Sannadkan sida dawladaha hoose ee kale ayay Haringey deeq hoosaysa ka heshay dawladda; tafaasiisha deeqdaasi waxa sharraxay hoggaamiyaha kawnsalka markuu hordhaca u samaynayay buugyaraha ku lifaaqan faatuuraddaada sannadka.
Cashuurta degmada qaybteeda Haringey ee sannadkan waxa lagu xadeeyay heer, ilaalinaya adeegyda raaca hore (frontline services) sida waxbarashada, adeegyada bulshada iyo adeegyada bii’adda kuwaas oo ay dhammaantood Haringey heegan u tahay inay bixiso oo hore marin ku samayso.
Intaa sare waxa dheer, iyadoo ay Greater London Authority (GLA) cashuurta degmada qaybtay qaadan jirtay kordhisay 30% taas oo macnaheedu yahay haddii aad ku nooshahay aqal baaxaddiisa lagu qiimeeyay heerka D (band of D),in £224.40 ka mid ah cashuurtaada degmada ee sannadkii lagu bixiyo bilayska, dabdemiska, adeegyada gaadiidka ee London. Mar labaad waxa aad faahfaahin heeraad ah ka heli kartaa buugyaraha cahsuurta degmada.
|topMaxay faatuuraddayda cashuurta degmadu u korodhay?
Kor eeg
|topWaa maxay adeegyada ay bixiyaan Greater London Authority?
Greater London Authority waxay bixisaa adeegyo ku siman London oo dhan oo ay ka mid yihiin:
- Bilayska (Metropolitan Police Authority )
- Gaadiidka London (Transport for London )
- Dabdamiska London iyo gurmadka (London Fire and Emergency )
- Hay’adda qorshaynta (Planning Authority )
- Wakaaladda horumarinta London (London Development Agency )
- Nuxurka London (Core Greater London Authority )
Waxa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyadaas laga heli karaa buug yaraha laguu soo raaciyay faatuuradda cashuurta degmada kaas oo lagu magacaabo ‘Facts and figures for Haringey’ boggiisa 37 illaa 41.
Waxa kale oo aad GLA toos ugala xidhiidhi kartaa 020 7983 4000.
|topCashuurtayda degmada qadar intee le’eg ayaa lagu bixiyaa adeegyada ay bixiso degmada Haringey intee ayaana lagu la siiyaa Greater London Authority?
Qaddarku wuxuu ku xidhanyahay baaxadda gurigaaga. Jadwalkan soo socdaa wuxuu muujinayaa qiimaha kala duwan ee guri kasta.
| Baaxaadda | Adeegyada Services £ | Greater London Authority £ | Wadarta cashuurta degmada £ |
|---|---|---|---|
| A | 663.07 | 149.60 | 782.67 |
| B | 738.58 | 174.53 | 913.11 |
| C | 844.09 | 199.47 | 1043.56 |
| D | 949.60 | 244.40 | 1174.00 |
| E | 1160.62 | 274.27 | 1434.89 |
| F | 1371.65 | 324.13 | 1695.78 |
| G | 1582.67 | 374.00 | 1956.67 |
| H | 1899.20 | 448.80 | 2348.00 |
Marka la eego guryaha baaxaddoodu tahay D (Band D) isugaynta cashuurtaada degmadu oo ah £1174 waxa loo qaybiyaa sidan soo socota:
- Adeegyada Haringey £949.60 (81%)
- London (Greater London Authority) £224.40 (19%)
Adeegyada Haringey intee in le’eg ayay dabooshaa cashuurta degmadu?
- Ugu dhawaan 25% ah adeegyada Haringey waxa laga bixiyaa cashuurta degmada.
- Ugu dhawaan 20% ah adeegyada Haringey waxa laga bixiyaa cashuurta meheradaha.
- Inta soo hadhay oo ah (55%) waxay ka timaaddaa dawladda.
Cashuurta degmada: £ 76.0 malyuun (24.66%)
cashuurta meheradaha: £63.4 malyuun (20.57%)
Dawladda: £168.8 million (54.77%)
Isugaynta kharashka adeegyada = £308.2 million
Waxyaabahee kale ayay ka koobanyihiin ‘adeegyada kale’ ee ku taxaan jadwalka dhaqaale ee ku yaal bogga 5aad ee buugyaraha?
| Adeegyada | Kharashka ku baxa £M |
|---|---|
| Istraatiijiyadda | 28 800 |
| Xidhiidhka | 150 200 |
| Horumarinta maamulka (Organisational Development) | 1 036 300 |
| Dakhliga aan ka iman adeegyada (Kharashka aan cilaaqaad toos ah la lahayn adeegyada) | 17 562 200 |
| Sahay siinta iyo nadiifinta (Catering and Cleaning) | 102 500 |
| Dakhliga iyo dheefaha(Revenues & Benefits) – qaybta dakhliga | 1 583 367 |
| Adeegyada qaanuuniga ah (Legal Services ) | 712 000 |
| Maamulka guryaha (Property Management) | 1 563 300 |
| Fidinta adeegyada (Access) | 1 026 000 |
| Gaadiidka dariiqyada iyo kharashka gaadiidka lacag la’aanta ah (Concessionary travel) | 4 049 500 |
| Isugayn | 26 332 567 |
Adeegyada kale waxay miisaaniyadda kaga beeganyihiin 8.6%. Maxaa qaybahaas mid walba gaarkeeda loogu muujin waayay?
Macluumaadka buugyarahan ku qoran intiisa badan waxa dejisay dawladda. Dawladdu waxay na siisaa mawduucyo guud oo ku saabsan macluumaadka dhaqaalaha ee nalooga baahanyahay inaannu raacno.
|topMaxaa kharashka Alexandra Palace loogu muujin waayay buugyaraha?
Macluumaadka buugyarahan ku qoran iyo sida loo soo bandhigayo intiisa badan waxa dejisay dawladda. Kharashka Alexandra Palace waxay qayb ka yihiin daynka guud ee lagu leeyahay Haringey, kaas oo lagu muujiyay bogga 6. Arrintu si kastaba ha ahaatee haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xisaabta Alexandra Palace waxaannu diyaar u nahay inaannu kuu soo dirno xisaab xidhkayagii (‘Statement of Accounts’).
|topWaa intee guud ahaan daynta lagu leeyahay Alexandra Palace sidee ayaase loo bixinayaa?
Daynka lagu leeyhay Alexandra Palace waa illaa £60million. Kadib markii sannadkii 1998 lala falanqeeyay hantidhawrka degmada, ayuu kawnsalku go’aansaday inuu daynka ku bixiyo muddo toban sannadood ah oo sannadkiiba ah £7.5 malyuun.
|topUseful External Links
Ku xiriirsaneyaasha soo socda ma aha qayb ka mid ah bogga internet-ka Haringey Council web site.
Ka hor intaadan isticmaalin, fadlan akhri ogeysiiskeena sharciga ah ee arintaan khuseeya.
- Greater London Authority budget information
- UK Statute Law Database
- Valuation Office Agency
- Citizens Advice Bureau
Page Last Updated: 29 August 2008
This page belongs to the following categories :
- Council, government and democracy > Councils > Council tax and finance




