Talobixin, canshuur iyo kaalmo lacago

Waxaan dadka siinaa macluumaad ku saabsan bixin canshuur dawladda hoose iyo noocyo kaalmo lacago aan dad siino, iyo talobixin aan dadka ka siino noocyo adeegyo muhiim ah oo Kownsalku bixiyo.

Canshuur Dawlad Hoose (Council Tax)

Dadka ku nool degmada Haringey waxay hadda awoodi karaan inay qaabka isgaarsiinta kombiyuutarka ku bixin karaan canshuurta dawlada hoose, iyo sidoo kalena waxaa la heli karaa qaabab kale oo ay dadku ku bixiyaan wixii biilal kale ah. Waxaan bixinaa talobixino muhiim ah iyo qaab si baraakti ah dadka wax loogala qabto inay xaq u leeyihiin helitaan kaalmo guunooyin ama ka taageerid bixinta canshuur dawlada hoose.

Sidoo kale waxaad:

- Iska diiwaangelin kartaa canshuurta dawlada hoose

- Hubi qaababka aan lacag canshuur ugu soo dalacno qaybo guryo kala duwan (bands & charges)

Helitaan Kaalmo Dawladeed

Waxaan dadka siinaa macluumaad iyo talobixino buuxa oo ku saabsan noocyo kaalmo lacago dawladeed iyo kaalmooyinka xaafaddu dawlada ka heli karto. Kaalmooyinka aan dadka ka caawino waxaa ku jira:

- Kaalmooyin ka bixin ijaar guri iyo canshuur ka taageerid

- Taageero dawladeed oo la siiyo dad shaqeeya

- Taageero dawladeed oo la siiyo dad naafo ah

Talo siin

Adeegyo kale oo qaybtan laga heli karo waxaa ku jira:

- Qiimayno ay samayso haya’adda Adeegyada Bulshada

- Arimo la xiriira Guriyeyn iyo Hoy la’aan

La xiriirid xarumo xarumaha Customer Services

La soo hadal telefoonka ah 0845 071 2800 si lagaala hadlo wixii su’aalo ah oo ku saabsan bixin canshuurta dawlada hoose iyo kaalmooyin dawladeed ee laga yaabo inaad xaq u yeelato.

|
 

Page Last Updated: 6 August 2008

This page belongs to the following categories :
- Community and living
- Council, government and democracy

 
|
man smiling

Did you know?

The Cineworld cinema in Wood Green plays host to the International Short Film Festival every year

 

Do It Online

Check your Council Tax and Business Rates account online.