Kusoo dhawow - Haringey Council Somali page
Bogan waxuu macluumaad khuseeya dad ku hadla luuqada Somali ee danaynaaya adeegyada uu bixiyo Haringey Council.
Waxaan bixino
Waan aqoonsanahay qowmiyadaha kala duwan oo bulshada xaafadeenu ka kooban tahay, waxaan u go’nay inaan bixino macluumaad ay fursad ka heli karaan dhammaan kooxaha degmada. Nasiib darro, iyadoo qiyaastii degmada looga hadlo 200 luuqadood, suuragal ma aha inaan bogag kasta ku wada tarjuno dhammaan luuqadaha qowmiyadahu ku hadlaan.
Ugu hooseyn, waxaan u go’nay inaan qoraal ahaan ku tarjuno bogagga ugu muhiimsan lixda luuqadood ee ugu waaweyn oo degmada looga hadlo. Bogagag ku xirneyaal ah ayaan hoos ku muujinay.
Marka laga reebo qoraalka sidan u qaabaysan, waxaan sidoo kale bixinay bogagga kale meeshan ku qoran kuwaasoo si gaar ah xiiso ugu leh dad ku hadla Somali. Isla marka aad gashid bogga intarneetka waxaa macluumaadka lagu heli doonaa bogag ku qoran af Somali.
Siduu u shaqeeyo
Markaad boggan booqato waxaad eegaysaa bog interneet ah www.haringey.gov.uk oo ku qoran qaab af Somali ah. Taasoo micnaheedu yahay in marka aad gasho bogga interneet-ka waxaa lagu tusi doonaa qayb ku qoran af Somali waase haddii uu diyaar yahay markaas. Haddii aysan diyaar ahayn qayb la tarjumay markaas waxaa lagu tusi doonaa iyadoo ku qoran af Ingiriisi. Marba marka ka danbaysa, marka aan bogga ku darno bogag badan oo ku qoran af Somali, waxaad arki doontaa bogag yar oo ku qoran af Ingiriisi.
Haddii aad waqti uun aad rabto inaad ku noqoto boggan, riix Haringey image oo ku yaala dhinaca sare ee bidixda.
Fadlan halkaan riix haddii aad rabto inaad boggan ku eegto af Ingiriisi.
Qaybaha bogageena ugu caansan ku qoran af Somali
- xidhiidho
- Cashuurta degmada (Council Tax)
- Haringey Waxay Ku Xidhantahay Xeerka Dadka Macaamiisha ah
- adeegyada macaamiisha
- Deegaanta iyo dib u warshadaynta xaafadda Haringey
- sida la isugu diiwaangeliyo cashuurta degmada
- adeegyadayada
- Translation and Interpreting Services Ku xir 1aad waa la galin doonaa
Sidoo kale markaad halkaan riixdo waxaad liisgarayn kartaa dhammaan bogag ku qoran af Somali.
Haddii aad rabto in bog gaar ah lagugu tarjumo af Somali, fadlan la soo xiriir:
Haringey Council,
Translation and Interpreting services,
Freepost LON18649,
London,
N22 8BR.
Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan adeegyada qoraal tarjumida Kownsalka, fadlan la soo xiriir:
Haringey Council,
Translation and Interpreting services,
Freepost LON18649,
London,
N22 8BR.



