Kusoo dhawow - Haringey Council Somali page

Bogan  waxuu macluumaad khuseeya dad ku hadla luuqada Somali ee danaynaaya adeegyada uu bixiyo Haringey Council.

Waxaan  bixino

Waan aqoonsanahay qowmiyadaha kala duwan oo bulshada xaafadeenu  ka kooban tahay, waxaan u go’nay inaan bixino macluumaad ay fursad ka heli karaan dhammaan kooxaha degmada.  Nasiib darro, iyadoo qiyaastii degmada looga hadlo 200 luuqadood, suuragal ma aha inaan bogag kasta  ku wada tarjuno dhammaan luuqadaha qowmiyadahu ku hadlaan.

Ugu hooseyn, waxaan  u go’nay inaan qoraal ahaan ku tarjuno bogagga ugu muhiimsan lixda  luuqadood ee ugu waaweyn oo degmada looga hadlo.  Bogagag ku  xirneyaal ah ayaan hoos ku muujinay.

Marka laga reebo qoraalka sidan u qaabaysan,  waxaan sidoo kale bixinay bogagga kale meeshan ku qoran kuwaasoo si gaar ah xiiso ugu leh dad ku hadla  Somali. Isla marka aad gashid bogga intarneetka waxaa macluumaadka lagu heli doonaa bogag ku qoran af  Somali.

Siduu u shaqeeyo

Markaad  boggan booqato waxaad eegaysaa bog interneet ah www.haringey.gov.uk oo ku qoran  qaab af Somali ah.  Taasoo micnaheedu yahay in marka aad gasho bogga interneet-ka waxaa lagu tusi doonaa qayb ku qoran af  Somali waase haddii uu diyaar yahay markaas. Haddii aysan diyaar ahayn qayb la tarjumay markaas waxaa  lagu tusi doonaa iyadoo ku qoran af Ingiriisi.  Marba marka ka danbaysa, marka aan bogga ku darno bogag badan oo ku qoran af Somali, waxaad arki doontaa  bogag yar oo ku qoran af Ingiriisi.

Haddii aad waqti uun aad rabto inaad ku  noqoto boggan, riix Haringey image oo ku yaala dhinaca sare ee bidixda.

Fadlan  halkaan riix haddii aad rabto inaad boggan ku eegto af Ingiriisi.

Qaybaha  bogageena ugu caansan ku qoran af Somali

Sidoo  kale markaad halkaan riixdo waxaad liisgarayn kartaa dhammaan bogag ku qoran af Somali.

Haddii  aad rabto in bog gaar ah lagugu tarjumo af Somali, fadlan la soo xiriir:

Haringey  Council,
Translation and Interpreting services,
Freepost LON18649,
London,
N22  8BR.

Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan adeegyada qoraal tarjumida Kownsalka,  fadlan la soo xiriir:

Haringey Council,
Translation and Interpreting  services,
Freepost LON18649,
London,
N22 8BR.


 
Four children linking arms

Did you know?

With your help we have secured injunctions against trouble-makers in the borough. Thank you!